Animation

Dhageyso: Dowladda soomalia oo soo bandhigtay tirada rasmiga ah ee ilaa iyo hadda u geeriyootay cudurka……

no responses
Tuesday April 25, 2017 - 4:03 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault
Spread the love

Wasaaradda caafimaadka Soomaaliya ayaa sheegtay in ilaa 500 oo qof ay u dhinteen cudurrada daacuunka ee ka dhashay abaaraha ka jira Soomaaliya.

Agaasimaha wasaaradda caafimaadka Cabdullaahi Xaashi ayaa sheegay in sidoo cudurka daacuunka uu dilaacay kuna fiday gobollo Soomaaliya ka mid ah.

Hay’adda UNICEF ayaa Iyana sheegtay in 30 kun oo caruur ah ay cudurka jadeecadda ka talaashay toddobaadkan magaalada Baydhaba ee gobolka Baay.

Agaasimaha Wasaaradda caafimaadka dowladda Soomaaliya Cabdullaahi Xaashi wuxuu sheegay in abaarta ay saameynta ugu weyn ku yeelatay dadka ku nool gobollada baay iyo bakool.

Halkaan ka dhageyso agaasimaha

Facebook Comments