Animation

Dhageyso: Dowladda federaalka oo mudo 3 maalin u qabatay in uu dalka uga baxo sargaal sare oo UN-ka ka tirsan

no responses
Saturday June 17, 2017 - 10:34 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Dowladda Soomaaliya ayaa ugu baaqday Qaramada Midoobay in waddanka Soomaaliya laga saaro madaxa Hay’adda Cuntada iyo Beeraha ee Qaramada Midoobay Richard Trichard.

Richard Trichard ayey dowladdu ku eedeysay inuu gaystay dhaqan ka baxsan xirfadda oo meel uga dhacaysa hay’baddii iyo sharaftii wakiilnimo ee Soomaaliya.

Dhinaca kale Af-hayeen u hadlay Qaramada Midobay ayaa VOA u sheegay inay socdaan wadahadallo u dhexeeya dawladda iyo madaxda Qaramada Midobay oo arrintan lagu xallinayo.

Laanta afka soomaliga ee VOA ayaa wareysiyo la yeelatay saraakiil ka tirsan qaramada midoobay waxaana ay wax ka weydiisay arintaan dowladda ka soo baxday.

Halkaan ka dhageyso warbixinta