Somali News

Dhageyso: Dowlada Somaliya oo Loogu Baaqay in Ciqaabta Laga Qaado.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa laga dalbday in si deg deg ah ay u qaado Ciqaabto ay ku heyso Shacabka Magaalada Muqdisho.

Xildhibaan Warsame Maxamed Xasan (Joodax), oo kamid ah Xildhibaanadda Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Oo la hadlay idaacadda Simba ayaa Madaxda dowladda ugu baaqay in ciqaabta lagu hayo shacabka Muqdisho laga qaado.

Waxa uu sheegay in dagaalyahanadda shabaab hadii lala dagaalayo loo baahan yahay in loogu tago goobaha ay joogaan, oo aysan Dowlada ganjeelo ku xiran wadooyinka Magaaladda Muqdisho.

Wasaaradda Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in dhawaan la furi doono qaar kamid ah wadooyinka magaaladda muqdisho ee xiran.

Maxamed Abuukar Islow (Ducaale), Wasiirka Amniga Somaliya ayaa shaaca ka qaaday in uu socdo qorshe lagu doonayo in dhegxaanta looga qaado wadooyinka Magaalada Muqdisho qaarkood.

Related posts

Mareynkana oo inta badan shaqaalihiisa Safaaradda uu Kenya ku leeyahay ka saaraya Kenya

admin

TOP NEWS: Saakay Maxaa ka Cusub Deeganada Puntland iyo Dagaalkii shalay dhexmaray Alshabaab iyo Puntland Xog dhab ah Akhri…

admin

War Cusub: Waxbadan ka Ogow Xaaladda Dhalinyaro Soomaliyeed oo Maxkamadeyntooda Maalinti Labaad ay ka socoto Magaalada Mumbai ee Dalka India…

Tifaftiraha K24