Dhageyso: Dowlada Somaliya oo diiday in dib loo dhigo Dacwada badda.

0

Dowladda Soomaaliya ayaa diiday in mar kale dib loo dhigo dhageysiga kiiska dacwadda badda ee horyaala maxkamadda caalamiga ah ee ICJ.iyadoo xarunta maxkamadda ay ku suganyihiin masuuliyiin sare oo uu ka mid yahay ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka.

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in marnaba aysan aqbali dowladda Soomaaliya in dib loo dhigo Kiiska Maxkamadda.

Waxaa uu tilmaamay in dowladda dhexe ee Soomaaliya ay gudbisay qoraalkeeda diidmada ah, islamarkaana Kenya ay dhankeeda soo gudbisay in muddo 12 bilood ah lagu daro.