Dhageyso: Dib udhac kuyimid Caleema saarka Axmed Madoobe Sababa Jira Awgeed.

0

Wararka naga soo gaaraya magaalada Kismaayo ayaa cadeynaya in dib loo dhigay markale munaasabada Caleema-saarka Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam, waxaana ay ahayd in la qabto 9ka bishan ama 10-ka, balse hadda warar dheeraad ah oo la helayo ayaa sheegaya in dib loo dhigay ilaa xili aan la shaacin.

Dib u dhigida cusub ayaa ka dambeysa, ka dib markii ay dawladda Soomaaliya xayiraad kusoo rogtay shaqsiyaad ka qeybgali lahaa oo ay ku jiraan Madaxdii hore oo kusugan Muqdisho, soona gaari lahaa magaalada Kismaayo, waxaana sidaas oo kale jira warar kasoo kordhay diyaaradii soo qaadi lahayd.