Animation

Dhageyso: Dhacdadii ugu Naxdinta Badneyd oo laga soo sheegaayo Gobolka Baay Kadib Markii ay Dhintee Mar qura 32 Ruux oo ….

no responses
Monday January 30, 2017 - 3:01 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Wararka ka imaanaya Gobolka Baay ayaa waxa ay sheegayan in ku dhawaad 32 Ruux ay ku dhinteen Deegaano ka tirsan Gobolka Baay.

Degaanka Masuubiye oo u dhexeeya Magaalada Baydhabo iyo Degaanka Awdiinle ee Gobolka Baay ayaa la sheegay in Dadkaasi ay ku dhinteen Kadib Markii ay cabeen Biyo looga shakisanyahay in la sumeeyay.

War-biyood ay dadkaan biyo ka Cabi jireen ayaa la sheegay in La Sumeeyay Sidaasina ay Dadka ugu dhinteen Biyaha Sumeysan ee Warta ay ka cabeen.

Maamulka K/galbeed ayaa ka hadlay Dhacdadaan Naxdint ah ee ka dhacay qeybo kamid ah Gobolka Baay.

Wasiirro iyo Saraakiil ka tirsan Maamulka Koofur Gabeed ayaa booqday deegaanka ay Mashaqadaan ka dhacday waxaana ay sheegeen in Dadka ay u dhinteen Biyo ku jiray War-biyood oo Midabkoodu uu isbadalay markii ay Cabeen dad badan waxaana hada la xaqiijiyay geerida 32 Ruux oo dadka deegaanka ah.

Xaalada 10 Ruux kale ayaa hada laga deyrinaaya kuwaasi oo kamid ahay dadkii Cabay Biyaha ku jiray Warta oo loo maleynaayo in ay sumeysantahay.

Masuuliyiinta K/galbeed ee booqday Deegaanka Masuubiye ee Gobolka Baay ayaa waxa ay Dowlada Federaalka ugu baaqeen in ay gurmad deg deg ah lasoo gaadho dadkaan ay Asiibtay Musiibada weyn si loo bad baadiyo dadka kale ee la ildaran Biyaha ay Cabeen oo Hada lagu dabiibaayo Xarumaha Caafimaadka.

Halkaan Hoose ka Dhageyso Codka Wasiirka Hub ka dhigista K/galbeed