Animation

Dhageyso: Cumar Dhagey oo Maanta Muqdisho uga dhawaaqay Waqtiga Kama dambeysta ah ay dhaceyso Doorashada Madaxweynaha Soomaliya

one response
Monday November 28, 2016 - 7:53 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Gudoomiyaha gudiga doorashooyinka dadban Cumar Maxamed Cabdulle “Cumar  Dhageey” oo warbaahinta gelinkii dambe ee maanta kula hadlay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in waqti dhow ay dhaceyso doorashada madaxweynaha Soomaaliya, inkastoo uusan sheegin waqtiga rasmiga ah ee doorashada.

Sidoo kale Guddoomiye Cumar Dhagey ayaa sheegay inay meel wanaagsan mareyso u diyaargarowga doorashada xubnaha labada aqal ee Baaralamanka Soomaaliya ee kasoo jeeda Gobolada Wuqooyi taasi oo dhawaan ka dheceysa magaalada Mqudisho.

Cumar Cabdulle Maxamed (Cumar Dhegey)  Gudoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Dadban ee Dalka ayaa sidoo kale waxa uu sheegay Doorashada Beelaha Banaadiriga in ay bilaabaneyso 30-ka Bishan oo ku beegan maalinta Arbacada ah, isagoo sidoo kale sheegay in isla maalintaas loo tartami doono Saddex kursi, waxaana Beelaha Banaadiriga ay leeyihiin 5 kursi.

Abuukaate Cumar dhagey Mar uu soo hadal qaaday hakinta Doorashooyinka Aqalka Hoose ee Puntland ayaa waxa uu sheegay in loo joojiyay go’aano siyaasadeed, sidoo kalena dib loo bilaabi doono.

Dhinaca kale Guddoomiyaha Guddiga Federaalka ee Hirgalinta Doorashooyinka Dadban ayaa shirkiisa jaraa’id kusoo hadal qaaday cabashooyin iyo dacwo laga soo gudbiyay kuraast qaar ee xubnaha baaralamanaka ee la doortay, isagoo xusay in beri ay kulan la qaadan doonaan guddiga xalinta khilaafaadka ee doorashooyinka, kuwaasi oo ay isla meel dhigi doonaan wixii cabasho ah ee jirta.

Gudoomiye Dhageey ayaa cadeeyay in labo maalin kadib ay bixin doonaan shahaadooyinka ama aqoonsiyada dhamaan xildhibaanada lagu doortay degmooyinka kala duwan ee caasimadaha u ah maamul goboleedyada.

Shirka Jaraa’id ayuu kusoo gaba gabeeyay in 6-da Bisha December wixii ka dambeeya ay cadeynayaan Doorashooyinka Gudoonka Baarlamaanka iyo Madaxweynaha.

Halkaan Hoose ka Dhageyso Shirka Jaraa’id Cumar Dhagey