Dhageyso: Ciidamada Dowladda oo soo bandhigay Sarkaal ka tirsanaa Al-Shabaab.

0

Saraakiisha Ciidamada Dowladda ee Gobolka Jubbada Hoose  ayaa waxa ay faah faahin kabixiyeen howlgal ay siwadajir ah u fuliyeen Ciidamada Dowladda iyo kuwa Jubbaland ay kusoo qabteen sida ay sheegeen sargaal katirsanaa Ururka Al-Shabaab.

Sargaal katirsan Ciidamada Dowladda ee kusugan gobalkaasi Jubbada hoose oo lahadlay Warbaahinta ayaa waxa uu sheegay in ciidamada ay soo qabteen Sarkaal muddo tobansano ah  katirsanaa Al-Shabaab.

Waxa uu sheegay in sargaalkaas ay qabteeen uu qayb ka ahaa dagaalkii ay Al-Shabaab ku qaadeen Ciidamada Kenya ee ku sugan deegaanka Ceel-Cadde ee Gobolka Gedo,waxaana Magaciisa lagu sheegay sarkaalkaas Ibraahim lujeende Maxamed..