Animation

DHAGEYSO : Cali Dheere oo sheegay sababta ay u dileen Gen, Dhaga-badan iyo Abdirashid Ilqayte.

no responses
Sunday November 1, 2015 - 9:52 under Breaking News by admin
mqdefault

Ahayeen ka kooxda xagjir ka ah ee Al-Shabaab Shiikh  Cali Dheere ayaa waxaa uu ka hadlay weerarka ay maanta ka fuliyeen  hotel  Saxafi  ee Muqdisho.

Isagoona  sheegay  inay ku faraxsan  yihiin  geerida dadkii lagu  laayeyweerarkaasi  iyo kuwii ku dhaawacmay.

Dhinaca kale,  waxaa uu sheegay in Abdirashid Ilqayte  oo ahaa milkiilaha Hotel ka Saxafi  ee la weeraray  ay u dileen inuu ka mid ahaa 9-kii nin ee aasaasay  ururkii la dagaalanka  Argagixisada,  oo ay Al-Shabaab  u yaqaanan  magac taasi duwan oo sax aheyn. Sidaasina  uu yahay  bartilmaameed  la rabay.

Sidoo kale Gen, Dhaga-badan  ayuu sheegay  inuu ahaa sarkaal  meelo badan  kula dagaalay Al-Shabaab  islamarkaana  isaga  iyo AMISOM  oo wada socda ay dhul badan ka qabsadeen, waxaana uu cadeeyey  inuu Gen, Dhaga-badan  uu ahaa utun  ku taagan  Al-Shabaab.

Cali Dheere  oo ah dour ku jir  ayaa dhallinyaro  Soomaaliyeed  u adeegsada  gumaadka  Shacabka Soomaaliyeed,  si uu u gaaro danihiisa gaar ah.

 

Halkan  hoose ka dhageyso  hadalka  Afhayeenka Al-Shabaab  Cali Dheere.

.

CALI