Somali News Top News

Dhageyso: Cabdi Wali Gaas oo ka hadlay Gogosha Madaxweyne Farmaajo Sheegayna in ay….

Hoggaamiyaha Maamulka Puntland Cabdi Wali Gaas ayaa Aqbalay Shirkii Madaxweyne Farmaajo isugu yeeray Madaxda Dowlad Goboleedyada waxaana Gaas uu sheegay in Puntland aysan marnaba diideyn Martiqaadka Madaxweyne Farmaajo u fidiyay Dowlad Goboleedyada.

Gaas ayaa waxa ay u muuqataa in uu ka soo dabcay Khilaafkii uu hurintiisu kaalinta weyn ku lahaa Balse wuxuu Hadda maraya Wadadii uu horay u maray Madaxweyne Xaaf ee Aqblay in Wada Hadal lagu dhameey wixii Khilaaf ah ee JIra.

“Dowlad goboleedyada waxay u taagan yihiin nidaamka dowliga ee Federaalismka in la ilaaliyo, dhul badan ayay mas’uul ka yihiin waa in lagu ixtiraamo oo lagyla shaqeeyo, waxyaabaha ka socda Koofur Galbeed iyo Galmudug waxaa moodaa in aysan sax aheyn, oo aan nidaamkii la rabay aan loo maareyn”ayuu yiri Madaxweyne Gaas.

Waxaa uu sheegay inay wanaagsan tahay in la wada hadlo oo la heshiiyo, balse loo baahan yahay in si dhab ah loo wada hadlo cida doonta daraf sadexaad ha gasho, isagoo xusay in shuruudooda aanay aheyn kaliya faragelin shisheeye.

Halkaan Hoose ka dhageyso Codka

 

Related posts

DF oo shaqsi wasiir horay uga soo noqday Somalia u magacowday…..

admin

Daawo: Madaxweynaha Somaliland Siilaanyo oo xariga ka jaray Mashaariic laga fulinayo Magaaladda Gabiley.

admin

Daawo Sawiro: Maamulka Jubbaland oo Markii ugu horaysay taariikhda magaalada Kismaayo ku qabtay tartanka dabaasha kaas oo u dhexeeyey dhalinyaro matelaysay shanta xaafadood ee magaalada Kismaayo

admin