Somali News

Dhageyso:-Axmed Madoobe dowladda waydiidey wada-hadal

Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam oo maalmahan ku sugan Magaalada Boosaaso ee gobolka Bari ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay diidey inay wadahadal la gasho maamulkiisa.

Axmed Madoobe ayaa hadalkan ka sheegay khudbad uu u jeediyay Dadweyne kala duwan oo uu kula hadlay Jaamacada bariga Afrika ee Magaalada Boosaaso.

Waxaa uu intaas ku daray in dad badan aaminsan yihiin inay iyaga dowladda curyaaminayaan, hase yeeshee isaga uu dalbadey wada-hadal balse uu waayay dad uu la hadlo.

“Runtii dadka waxaa ay inaga aamineen inaan dowladda lugaha aan heysano, waxaa ii yimid Guddoomiyaha Aqalka Sare, waxaana ku iri Farmaajo ila hadashii laakiin jawaabtii uu i siiyey ayaa waxay aheyd in uusan heyn cid uu ila hadalsiiyo” ayuu yiri Axmed Madoobe.

Related posts

Muqdisho oo Xaal Cusub ku jirta Saaka & MD Xaaf oo loo diyaariyay soo dhaweyntii ugu weyneyd

admin

TOP NEWS: Maxaadan Ogeyn oo Axmad Madoobe uu ka yiri Guushii Jubbaland ay ka gaadhay Galmudug????+Sawirro

Tifaftiraha K24

Daawo: Maxaa ka soo baxay kulan maanta madaxtooyada ku dhexmaray madaxweyne farmaajo iyo Ambassador Jutta Frasch

Tifaftiraha K24