Somali News

Dhageyso: Arimo halis ku ah Gaalkacyo iyo Gobolka Mudug oo si weyn looga digey.

Wax ka qabashada arimaha amaanka ee magaalad Gaalkacyo ayaa kamid ah qodobada ugu muhiimsan ee xildhibaanadu ka doodeen, waxaana xildhibaan Shaafici Cabdullaahi Xaashi oo kamid ah xildhibaanada gollaha deegaanka Gaalkacyo oo la hadlay warbaahinta uu sheegay in ay lagama maar maan tahay in laga wada shaqeeyo horumarinta arimaha nabadgalyada deegaanka isla markaasna ka golle ahaan ka go’an tahay.

Waxa uu sheegay xildhibaan Xaashi in xildhibaanada kaligood aysan waxba qaban karin magaalada Gaalkacyo oo baaxad weyn iyo dhibaatooyin kala duwan oo jira dartoodna aysan suurtagal ahayn xaqiijinta amaanka, isagoona xusay in duqa Gaalkacyo iyo xildhibaanadu ay shaqeeyaan habeenkii si wax looga qabto magaalada Gaalkacyo..’

Related posts

KDF relocates El Adde camp to new base

admin

Dhagayso:- Top Xildhibaano Mooshin ka keenay Madaxweyne Xasan sheekh

Tifaftiraha K24

Mareykanka oo Soomaalia ku diley ninkii qorsheyey weerarkii Westgate.

admin