Somali News

Dhageyso: Al-Shabaab oo sheegatay qaraxii Ex-Control Afgooye.

Ururka Al-Shabaab ayaa markii ugu horeysay war ka soo saaray qaraxii dadka badan lagu laayey ee 28-kii bishan ka dhacay isgoyska Ex koontorol Afgooye ee magaalada Muqdisho.

Afhayeenka guud ee Al-Shabaab Cali Maxamuud Raage (Cali Dheere) oo iska soo duubay khudbad soconaysa in ka badan 20 daqiiqo ayaa sheegay in qaraxaas ay iyagu fuliyeen, isla markaana ay la beegsadeen saraakiil Turkish ah iyo wax uu u yeeray maleeshiyaad Soomaali ah.

Maalinkii Sabtida waxaan weerar ka fulinay Isgoyska Ex koontorol Afgooye ee magaalada Muqdisho, weerarkaas kolonyadii lala beegsaday waa uu haleelay khasaare lixaad leh oo dhimasho iyo dhaawac leh waxuu ugeystay Turkidii doolaanka ku soo qaaday dalka iyo maleeshiyaadkii ilaalada u aheyd” ayuu yiri afhayeenka Al-Shabaab Cali Dheere.

 

Related posts

DAAWO VIDEO – Shacabka Dalka Itoobiya oo Maanta u Dareerarey Goobaha Codbixinta ee Doorashada

admin

DEG DEG:- Qarax Goordhow Ka Dhacay Magaalada Muqdisho

admin

Daawo: Ra’isul wasaare ku xigeenka oo maanta loo gacan galiyay sharci halis weyn ku ah mas’uuliyiinta dowladda

Tifaftiraha K24