Animation

Dhageyso: Ajakis oo Muqdisho lagu soo celiyay Isagoona Shaaca ka qaaday Cida ka Dambeysay Xarigii loogu geystay Hargeysa

no responses
Saturday January 21, 2017 - 10:48 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Majaajiliistaha Caanka ah Cabdi Muriidi dheere Aajakis oo shalay lagu xiray Magaalada Haregeysa ayaa waxaa maanta lagu soo celiyay Magaalada Muqdisho.

Ajakis oo Transit ku ahaay Magaalada Hargeysa ayaa waxaa Xabsi dhigay Nin uu adeer u yahay Cukuse oo uu sheegay in Ajakis uu hada ka hor Barnaamijka Faaliyaha Qaranka wax uga sheegay Adeerkiisa Cukuse sidaasna Xabsiga loogu dhigay.

Ajakis ayaa sheegay in lagu jirdilay Xabsi ku yaala Magaalada Hargeysa isagoona loo sheegay in uusan Mardambe dib ugu soo laaban Hargeysa.

Xabsiga ayaa laga sii daayay waxaana loo sheegay in Bassaborka laga qaadaayo balse Agaasimaha Universal ee Hargeysa dadaalo uu galay akdib ayaa Ajakis waxaa dib loogu soo celiyay Magaalada Caasimadda ee Muqdisho.

Halkaan Hoose ka dhageyso Codka Ajakis