Dhageyso: Ahlusuna Waljameeca oo Sheegtay in Aysan Wali Burburin.

0

Ururka Ahlusunna ee Koofurta iyo Bartamaha Soomaaliya ayaa Sheegay inaysan wali ka tanaasulin dhaqdhaqaaqyadoodi hubeysanaa ee Gobalada Dhexe Balse ay doonayaan inay lug ku yeeshaan Siyaasada Dowladda Dhexe iyo Maamul Gobaleeyada oo uu ugu horeeyo Maamulka Galmudug.

Ururku waxaa  xusay in uusan wali ka hanjabin in Awood muuqata ku lahaado Deegaanada Maamulka Galmudug Ciidanka lagu Biiriyey Dowladda Dhexena aysan Ahlusuna uga dhigneyn inay burburtey islamarkaana Magaceeda uu ka dhamaaday Bartamaha Soomaaliya.

Kheikh Isaaq Mursal geesa Dheere oo kamid ahaa Horjoogayaashii dhanka Dagaalka ee Ururka ee Koofurta Soomaaliya ayaa Idaacada Simba u sheegay inay Xiligaan ay u gurteen dhanka Siyaasadada iyo Xasiloonida Islamarkaana ay Ciidamada Dowladda ay Ugu wareejiyeen inay qeyb ka qaataan Dagaalka Al-shabaab.