Animation

Dhagayso:Warixin+Sawiro:Maalinta Macalinka Aduunka ee 21-Ka November oo Maanta Ardayda Schoolka Shire Jaamac Ay ku Qabteen Magaalada Caabudwaaq Munaasabad Lagu Xusayo Qiimaha Macalinku Uu Leeyahay.

no responses
Monday November 21, 2016 - 9:41 under Somali News by cabudwaaq
mqdefault

Ardayda Schoolka Hoose dhexe iyo Sare ayaa Maanta si wada jir ah u xusay maalinta macalinka aduunka ee 21-November oo sanad walba markii la gaaro bishan oo kale munaasabado lagu xusayo ay ka dhacaan aduunka oo dhan.

Ardayda Schoolka Shira Jamac Qaybta Hoose dhexe ayaa si gaar ah u soo agaasimay munasabad ay ugu talo galeen in ay dareenkooda ku muujiyaan macalinka qiimaha uu bulshada ugu fadhiyo ayey ku qabteen Qaybta Dugsiga Sare ee Shire Jamac waxaana ka soo qayb galay macaliin arday iyo maamulka schoolka.

Ardayda ayaa halkaas kasoo jeediyey qudbado qiiro leh oo ay afaf kala duwan ugu hadlayeen qiimaha macalinka iyo sidoo kale heeso iyo geeraaro ayaa sidoo kale waxay soo bandhigeen riwaayad ka turjumaysa macalinku halka uu gaarsiin akro ardayga iyo in nin kasta oo maanta wax soo bartay uu wax soo baray macalin.
ugu danbayntii ayaa ardaydu waxay halkaas ku gudoonsiiyeen Maamulka iyo Macalimiinta Schoolka shire Jaamac Hadyado ay ugu talo galeen macalimiinta .

Sanadka ayaa waxa uu ku soo aaday xili ay magaalada hareeyeen colaado aad u faro badan waxaana ardaydu Maanta dareenkooda ku muujiyeen in ay dhamaantood yihiin jiilkii soo korayey kuna dadaalaan in ay waxbarashada ka harin ilaa ay dadkooda u horseedaan nabad iyo barwaaqo.
img_20161121_084115

img_20161121_075826

img_20161121_075822

img_20161121_074849

img_20161121_074844

img_20161121_074828