Somali News

Dhagayso+Sawiro:- Madaxweyne Cabdiweli Gaas oo Xalay Madaxtooyada Boosaso ku Dabaal Dagay

Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali ‘’Gaas’’ ayaa xalay u dabaaldagay sanadguuradii 2-aad ee kaso wareegtay markii loo doortay hogaanka Puntland.

Munaasabada ayaa waxaa ka qayb galay Madaxweynaha Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud,Maaxweyne ku xigeenka Puntland,Guddoomiyaha Baarlamaanka,Mas’uuliyiin ka tirsan Golayaasha dawlada,Qaar ka mid ah Ra’iisul Wasaarayaashii hore ee dalka,qaybaha kala duwan ee bulshada iyo marti sharaf kale.

Intii munaasabaddu socotey ayaa waxaa lagu soo bandhigay Heeso iyo Riwaayado wacyigelin ah oo ku saabsan mustaqbalka dalka Soomaaliya gaar ahaan horumarada kala duwan ee Puntland ka samaysay dhinacyada kaabayaasha dhaqaala iyo siyaasadda.

Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali oo Khudbad ka jeediyay Munaasabda ayaa sheegay in dawladiisu ay hormar balaaran gaartay 2-adii sano ee tagay,wuxuuna xusay inuu dhowaan ay Garowe ku sameeyen qiimayn Golaha Xukuumadda,taasi oo dadweynuhu ay si toos ah ula wada socdeen,wuxuu sheegay in la arki doono natiijada qiimaynta.

Dr. Gaas ayaa sheegay inay ka go’an tahay in isbadal la taaban karo ay dalka ka hirgaliyaan mudada uu xafiiska joogo,wuxuu sheegay in hormarku uusan hakad gali doonin.

Madaxweyne Gaas sheegay in shacabka Puntland ay hore usoo bandhigeen aragtidooda ku aaddan hannaanka geeddi-socodka doorashooyinka la filayo inay dalka ka qabasoomaan isla markaana ay xalay madaxda horteeda ku cabireen dareenkaas oo ah qaab suugaaneed lagu muujinayo sida ay shacabka Puntland u diidan yihiin in dalka dib loogu celiyo halbeegii awood-qaybsiga beelaha ee 4.5 ee waqtigiisu dhammaaday.

Madaxweynaha Dawladda Federaalka Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud oo khudbad taariikhi ah kajeediyey madasha ayaa ku dheeraaday sooyaalka Puntland iyo doorkii ay ka ciyaartay helitaankii dawlad soomaaliyeed,wuxuuna qiray in Puntland ay cagta saartay Wadada hormarka.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sidoo kale ku ammaanay midnimada iyo isku duubnida shacabka Puntland taaso ah mid mudan in ay kaga daydaan maamulada kale ee dalka kajira, isagoona tilmaamay in ay muhim tahay in la tixgeliyo aragtida shacabka Puntland ee ku aadan doorashooyin la filayo dalka inay ka qabsoomaan.IMG_29701

IMG_2964

IMG_2965

IMG_2966

IMG_2973

IMG_2984

IMG_2991

IMG_2993

IMG_2997

IMG_3004

IMG_3017

IMG_3022

IMG_3025

IMG_29431

IMG_29461

IMG_29631

IMG_29681

Related posts

Daawo: Jubbaland oo saxaafadda usoo bandhigtay rag shabaab ka tirsan iyo qaraxyo ay wateen

Tifaftiraha K24

Xasaasi Dhageyso: Puntland oo u Muuqata in ay Dabin ku Riday Diyaaradaha Mareykanka ayaa War ka soo saartay Weerarkii Lagu dilay Ciidanka Galmudug

Tifaftiraha K24

Daawo: Maxaadan Ogeyn oo Axmad Madoobe iyo Generaal Xaamud aay u tageen Xeryaha Ciidamada ee Magaalada ….

Tifaftiraha K24