Breaking News Somali News Top News

Dhagayso+Sawiro Madaxweynaha Gal-Mudug oo Cadaado Lagu soo dhaweyeey

Wafdi uu hogaaminayay madaxwaynaha dawlad goboleedka Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed ayna qayb ka ahaayeen Gudoomiyaha Baarlamanka Galmudug Cali Gacal Casir, wasiiro iyo xildhibaano ka tirsan Galmudug ayaa maanta gaaray magaalada Cadaado.

Wafdiga oo ka soo ambabaxay magaalada Muqdisho waxaa garoonka diyaaradaha Cadaado ku soo dhaweeyay madaxwayne ku xigeenka Galmudug Maxamed Xaashi Cabdi iyo mas’uuliyiin kale.

Gudoomiyaha Baarlamanka Galmudug Cali Gacal Casir oo warbaahinta kula hadlay garoonka diyaaradaha ayaa sheegay in wafdigiisa oo qaar ka mid ah wadamada Yurub soo maray ay maalmihii la soo dhaafay ku sugnaayeen magaalada Muqadisho, ayna la kulmeen mas’uuliyiin kala duwan.

Imaanshaha madaxda Galmudug ayaa ku soo aadaysa xilli dhawaan lagu wadaa in magaalada Cadaado uu ka furmo kalfadhiga 2-aad ee golaha Baarlamanka Galmudug.

73999fa4-6cfc-4726-9943-8745588d9d42

31aafdbe-1743-4700-b6bf-ac469adc4a3a

50dfb0bb-f656-46d5-bca5-cdd8bd7713b9

74e63156-b8c0-43da-8de4-7715ba5161cb

1588a92f-f0ad-4ead-a423-90f5cc6e9ff2

07374f16-a6c9-4aaf-9a4b-b64f495ecae2

57147f2c-9ea8-44ee-9ad5-275245c15c9e-1

Related posts

Wasiir Bayle oo Shaaca ka qaaday War ka Farxiyay Bulshada & Tilaabooyin Guul ah

admin

Daawo: Maxaadan ogeyn oo ka soo baxay kulan xasaasi ah oo dhexmaray ra’isul wasaare ku xigeenka iyo masuul sare oo ka socda….

Tifaftiraha K24

Top News:- Maxaa Ka Cusub kismaayo Maanta Kadib Markii uu Fashilmay shirkii

Tifaftiraha K24