Animation

Dhagayso+Sawiro:- Fah Faahin Amb.Nicholas Kay oo Madaxweyne Gaas Kula Kulmay Garowe

no responses
Wednesday November 18, 2015 - 9:13 under Breaking News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Madaxwaynaha dowladda Puntland ee Soomaaliyeed Mudane Cabdiweli Maxamed Cali (Gaas) ayaa caawa ku qaabilay aqalka madaxtooyda Garowe wafdi uu hoggaaminayo Ergayga QM u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya Amb.Nicholas Kay oo galinkii danbe maanta magalada soo gaaray.

Labadaan masuul ayaa mudo nus saac ah qaatay shir al-baabadu u xiran yihiin kaasoo aan xog badan laga hayn. balse markii danbe saxaafada si wadajir ah ula hadlay.

Gaas oo hadalka ku horeeyay wuxuu iftiimiyay inay ka wada hadleen arrimo ku saabsan siyaasada dalka gaar ahaan siday Puntland dowrkeeda u qaadan lahayd arrimaha socda, waxa kale uu Prof.Gaas sheegay inuu ku faraxsan yahay booqashada uu Kay ugu yimi Garowe iyo madaxtooyadda.

Madaxwayne Cali ayaa uga mahad celiyay Danjire Kay shaqadii uu dalka ka qabtay muddadii u ujoogay, wuxuna sheegay inuu hadda waqtigiisa dhammaad yahay,una rajaynayo nasiib wanaagsan iyo horumar.

Danjire Nicholes oo hadal kooban warbaahinta siiyay ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay imaanshihiisa Puntland gaar ahaan Garowe, waxa kale uu uga mahad celiyay Puntland kaalinta ay ka qaadatay shaqadiisa mudaddii uu xafiiska joogay, sidoo kale wakiilkan ayaa ka waramay wixii uu qabtay muddadii uu jogay oo labo sano iyo dheeraad ahayd.

Kay waxa uu sheegay inuu ku faraxsan yahay labadii sano iyo barkii uu xafiiskan joogay, maadama uu waqtigiisu dhammaad yahay waxa uu Puntland uga mahad celiyay horumarka muuqda ee ay ka gaysaray horumarka dalka ka muuqda, wuxuna ka hadlay dadaalada laga gaaray la-dagalanka Al-Shabab iyo horumarinta amniga.

Wakiilka QM ee Soomaaliya ayaa lagu wadaa maalinta berrito ah inuu dib ugu laabto magalada Muqdisho.

Hoos Kadhagayso Codaadka ama Riix

IMG_5797-450x300

IMG_5808-450x300

IMG_5820-450x300

IMG_5822-450x300

IMG_57921-450x300

IMG_57931-450x300

IMG_58161-450x300

IMG_58241-450x300

IMG_58281-450x300