Animation

Dhagayso:Gudoomiyaha Degmada Caabudwaaq Mahad Cumar “Ciidanka Galmudug iyo Kuwa Dowlada Federalka ah Way baxayaan Dadku ha is dajiyaan Aayahoodana ha ka tashtaan.

no responses
Sunday November 6, 2016 - 1:43 under Somali News by cabudwaaq
mqdefault

Gudoomiyaha Degmada Caabudwaaq Mahad Cumar Cilmi ayaa sheegay in ay laabanayaa Ciidamada Galmudug iyo kuwa Dowlada Federalka ah ee ilaa laba maalmood kusoo qulqulayey magaalada Caabudwaaq Taasi oo abuurtay jawi ka duwan kii markii hore ay ku sugnayd magaalada Caabudwaaq, waxaana durba laga dareemay saan saan colaadeed kadib markii ay iyaguna duleedka magaalada ciidamo soo dhoobeen Maamulka ahlusuna ee Gobolada dhexe.

Mahad Cumar ayaa sheegay in ay si deg deg ah Ciidamadani u laabanayaan balse looga baahan yahay shacabka reer Caabudwaaq in ay Aayahooda ka tashtaan oo wixii dan ugu jirto ka la yimaadan Ciidamadana aysan magaalada u imaan in ay colaad kale ka huriyaan balse ujeedka ugu weyn ee ay u yimaadeen ay ahayd sidii ay u kala dhex gali lahaayeen beelihii dhawaan ku dagaalamay magaalada Caabudwaaq islamarkaana mar danbe uusan dagaal dhicin balse si kale loo fasirtay iyo ujeedooyin kale .

Ciidamo aad u faro badan ayaa ku soo ququlayey Magaalada Caabudwaaq tan iyo wixii ka danbeeyey maalinimadii Khamiista kuwaas oo shacabka magaalada qaar ay kasoo horjeedeen kuna tilmaameen imaatinkooda kuwa ay ka danbeeyaan dano siyaasadeed balse haatan u muuqda in uu fashilmay hadafkoodii kadib markii ay kala kulmeen bulshada Caabudwaaq waji Gabax.

HOOS KA DHAGAYSO CODKA GUDOMIYAHA DEG-CABUDWAQ MAHAD CUMAR