Animation

Dhagayso:- Yaasin Ali Gaas oo kawarbixiyeey Gunaanadka Shirkii Qurba Joogta Puntland ee Qarada Yurub

no responses
Tuesday September 29, 2015 - 9:11 under Breaking News by admin
mqdefault
Spread the love

Gudoomiyihii qaban qaabada shirweynihii Qurba joogta Puntland ee Qaarada Yurub Mudane Yaasin Ali Gaas oo Waraysi gaar ah siyeey Warbaahinta k24 ayaa kashakeyeey qaabkii ay doorashada uu dhacday iyo warmurtiyeed laga soo saaray doorashadii.
Waxaa kullanka maanta ka qeyb qaatay gunaanadkiisa madaxweynaha Puntland Dr, Abdiweli M.Ali Gaas isaga oo si toos khadka uga jiray magaalo adaxda gobollka Mudug Gaalkacyo. Madaxweynaha ayaa ku tiig tiigsaday ahmiyada qurbe-joogtu u leeyihiin Puntland. Madaxweynaha ayaa uga mahad celiyey in qurbejoogta gartaan ahmiyada midnimada. Intaas kadib waxaa isna khadka telefoonka uga soo qeybqaatay wasiirku dowllaha duulista iyo hawada mudane Abiqani Gelle.

Gabo gabadii shirka ayaa waxaa laga soo saaray warmurtiyeed qodobeysan, waxaana ka mid ahaa:

In dalladu ay soo dhaweyneyso cid kastoo daneyneysa midnimada.
In dalladu ay xoojineyso in si dhaw looga shaqeeyo nabada iyo horumarinta mashaariicda Puntland.
In dalladu xoojineyso horumarinta deegaanada Puntland gaar ahaan waxbarashada iyo caafimaadka

Hadabba Yaasin Ali Gaas ayaa sheegay in dhamaan Ergooyinkii 10 wadan ee Jaaliyadaha ka kala yimaadeen ay ku laabteen meelihi ay kayimaadeen wuxunaa sido kale Fariin u diray shacabka Puntland,wuxuna dhinaca kale sheegay in qurba Joogta Puntland ee Qarada Yurub ay ku dhaqaaqen hadalkii ahaa Puntland ha isku Tashato uu madaxweyne Gaas kadhawaajiyeey.

 

Maxamed LAKI ayuu u waramay

12039646_143568722659822_7442052164201728947_n

Facebook Comments