Animation

Dhagayso:- Xildhibaan Cabdibare ” Rajo Wanaagsan ayaan ka qabaa Nabad kadhalata Gaalkcyo+ Waraysi

no responses
Monday November 30, 2015 - 10:58 under Somali News by admin
Spread the love

Madaxweynayaasha Labada Maamul Ee Cabdi-weli Maxamed Cali Gaas iyo Cabdi-kariim Xuseen Guuleed ayaa maanta qorshuhu yahay in ay ku kulmaan Magaalada Gaalkacyo, iyadoo ay goobta kulanka joogi doonaan Ra’iisul wasaare Sharmaake, Xubno wasiirrada iyo Baarlamaanka Soomaaliya ka tirsan, Madaxda Maamullada kale ee hadda jira.

Dadaalada lagu heshiisiinayo madaxda Puntland iyo Galmudug waxaa qeyb ka ah Ra’iisul wasaare Sharmaake, Madaxweynaha Jubba iyo Kan Koonfur Galbeed.

Kulankaas ayaa la rajeynayaa in uu soo Afjaro Colaadda Magaalada Gaalkacyo oo Toddobaadkii 2-aad mareysa.
Hadaba Kulamadaasi iyo sida Qorshahoodu yahay Waxaa Allidamaale Oga Waramay Xildhibaan Cabdi Barre Jibriil Oo Kamid ah Xildhibaanada La socda Wafdiga Reysulwasaaraha

Facebook Comments