Animation

Dhagayso: Waxgaradka Caabudwaaq: “Shacabka Beesha Sade haka tashadaan Nabadgalyadooda, oo yaysan Xagxagan Maamulada Deriska”.

no responses
Saturday September 10, 2016 - 11:41 under Somali News by admin
mqdefault

Iyadoo Dhawaan Magaalada Caabudwaaq ay ka dhaceen Shaqaaqooyin sababay Dhimasho iyo Dhaawac isla markaana Masuulyiin katirsan Maamulka Degmada ay ku sheegeen in ahaayeen Falal laga soo abaabulay Deegaano ka baxsan Waqooyiga Galgaduud ayaa waxaa hadana isa soo taraya Baaqyada arimahaasi ay kadirayaan Waxgaradka Deegaanka.

Nabadoon Yuusuf Shire Warsame oo ka mid ah waxgaradka sida wayn looga yaqaan Gobollada Dhexe oo waraysi siiyay Kismaayo24 ayaa sheegay in ay aad uga xun yihiin Falalkii dhawaan dhacay iyo sida qaldan ee loo fasiray Falkaasi.

Nabadoonka ayaa sheegay in loo baahan in Beelaha Dega Waqooyiga Galgaduud ay ka tashadaan aayahooda isla markaana aan loo nisbayn Maamulo kale wixii ka dhacay Deegaanka.

Halkaan Hoose ka dhagayso Waraysiga Nabadoonka:

nabadoon-yuusuf-shire-waesame-sax