Animation

Dhagayso:- Wasiirka Ganaciga Puntland oo Fah faahin Kabixiyeey safaro uu dalka dibadiisa ku tagay

no responses
Tuesday November 10, 2015 - 4:33 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Wasiirka wasarada ganacsiga Puntland Cabdiweli Xirsi Cabdulle (Indho-guran) ayaa dib ugu soo laabtay magalada Garowe, wuxuna ka war bixiyay waxyaabihii uga soo qabsoomay safar uu ku tagay dhowr dal oo Africa iyo Yurub ka mid ah.

Indho-guran oo la hadlayay Warbaahinta ayaa sheegay safaradii uu soo sameeyay inay guul kusoo dhammaadeen isla markasna uu dadkii uu lasoo kulmay usoo bandhigay fursadaha maalgashi ee Puntland ka banaan kuwaasoo u baahan in deg deg looga faa’iidaysto.
Wasiirku waxa uu sheegay inuu soo maray Holan,Is-widan,Denmark,Norwey,Filibiin isla markasna wasaraddaha ganacsiga ee dalalkaasi usoo bandhigay fursadaha muhiimka ah ee Puntland ka banaan sida xeebta dheer, xoolaha iyo beeraha, waxa kale uu sheegay caalamka inay ka gadayaan sidii looga faa’iidaysan lahaa khayraadka kala duwan ee dalka.
Qaar ka mid ah dalalka Carabta ayaa sanad kasta Puntland ka qaada xoolo faro badan oo nool, balse dowladdu waxay sheegtay inay dadaal ugu jiraan sidii caalamka kale xoolaha loogu iib geyn lahaa.