Animation

Dhagayso:- Wasiirka Dekaddaha iyo Gadiidka Badda Puntland oo shegay in Dekadda Boosaaso Caalami Noqonayso

no responses
Wednesday November 18, 2015 - 11:51 under Breaking News by Tifaftiraha K24
mqdefault
Spread the love

Wasiirka Dekadaha iyo gaadidka badda dowladda Puntland Cabdilaahi Jaamac saalax ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay Dekadda Bosaso inay noqoto dekada ugu weyn ee Soomaaliya, ka dib waraysi uu maanta uu siiyay Radio Garowe.

Saalax ayaa tilmaamay shaqadda Dekadda inay aad u wanaagsan tahay oo ay shaqadii loogu talo galay maalin kasta ay ka socoto, su’aal laga waydiiyay wasiirka shaqadda dekadu inay sii korayso ayuu tilmaamay inay kordhaan ganacsiga iyo Maraakiibta kusoo xirata, waxa uu sheegay qorshe dekadda lagu balaarinayo inay wadaan taasoo qayb ka ah horumarka dowladdu gaadhay.

Shirkaddo heshiis lala galay oo ka shaqaynaya horumarinta dekadda ayuu wasiir Saalax sheegay inay saameeyeen, waxa uu farta ku fiiqay inay dhowaan soo gaari dooanan shan wiish oo dekadda ka shaqaynayo kuwaasoo dowladdu lee dahay, arrinta kale uu ka hadlay masuulkan oo Garowe ku sugan ayaa ah in la samayn doono dhabo lagu dajiyo Kuntoonaro ganacsi ayna qayb ka nodonayso howlaha hadda laga wado.

Facebook Comments