Warning: count(): Parameter must be an array or an object that implements Countable in /customers/8/7/9/kismaayo24.com/httpd.www/wp-includes/post-template.php on line 284
Somali News Top News

Dhagayso:- Wasiir Soocade” ninka nabadda diidanoow Miiska wada hadalka ayaan kugu qasbidoonnaa”

Wasiirka wasaaradda warfaafinta dowladda Puntland ayaa ka hadlay dagaalka ka bilowday magaalada Gaalkacyo xarunta gobolka Mudug, xili ay dhaceysay xabadda la isku adeegsanayo dagaalka.

“puntland iyagoo ah dad nabadeed, ayaa waxay ogolaatay in Gaalkacyo ay noqoto magaalo nabadeed, heshiiskii shalay waad la socoteen gudi ayaa la saaray, markii la damcay in loo dhaqaaqo heshiiskii aya waxaa bilaabatay in dadkii moodayay in Puntland ay baradho tahay ayaa bilaabay xabad” sidaasi waxa yiri wasiirka Warfaafinta Puntland.

Waxa uu sheegay wasiirku in si naxariisdaro ah ay kooxda koonfurta joogtaa ay magaalada ugu garaacayaan Hubna cul culus ee aanba loo adeegsadan dagaal.

Wasiirku waxa uu shaaca ka qaaday in dagaalka ay si rasmi ah u galeyso dowladda Puntland ayna difaaceyso nolsha dadkeeda ilaa qofka ugu dambeeya uu ka dhimanayo waasida uu hadalka u dhigaye.

“Dowladda Puntland hadii aan nahay. Gacanta Qoriga aan ku sidanno shacabkayaga ayaan ku difaaceynaa waana ku dhimaneynaa ilaa qofka ugu dambeeya uu ka dhinto, waad maqleysaan xabadaha dhacaya Gardaradii maanta dhacday ayay ciidanka Dowaldda Puntland ka bixinayaan Jawaab”

Waxa uu sidoo kale wasiirku sheegay in dowladda puntland ay dhinac kasta diyaar la tahay Cidkasta oo nabad iyo dhex dhaxaadin la dooneysa gobolka ay gacmo furan ku soo dhaweyn doonaan, cidii dagaalka dooneysana ay miiska wada hadalka ku qasbi doonaan.

Cidkasta oo na dhex dhaxaadineysa waxaan leenahay waad u jeedaan gardarada socota, dhiiga shacabka Soomaaliyeed ayaa nagu qaali ah, cidkasta oo rabtaa nabad iyo dhex dhaxaadin gacanta ayaan u fureynaa” sidaasi waxa markale yiri wasiirka warfaafinta dowladda Puntland Mr Soocade

Related posts

Shiinaha Oo Soomaaliya Soo Gaarsiisay Deeq Raashiin Ah.

admin

KASHIFAAD: Maxaa ka jira in Sambalooshe uu Xilka ku waayay Eedeyntii uu u jeediyay USA & Uk?

admin

Qormo: Shabeellada Dhexe iyo Hiiraan waa Shan u yar ha ii sheegin.. BY Awil Dahir Salad

Tifaftiraha K24