Animation

Dhagayso:- Waraysi Qaabkuu u furmay Maanta Shirkii Qurba Joogta Yurub ee Puntland

no responses
Saturday September 26, 2015 - 9:24 under Breaking News by admin
mqdefault
Spread the love

Xili maanta uu ka furmay Dalka Finland shirweynihii qurba joogta Puntland ee Yurub ayaa waxaa fah faahin kabixiyeey qaabkuu u socdo iyo waxyaabihii maanta looga hadlay wakiilka Jaaliyada Puntland ee Finland Mudane Cabdifataax Jaanagale.
Wakiilka ayaa sheegay in qaab wanaagsan uu ku furmay shirka,isla markaana ay kasoo qayb galeen madax iyo masuuliyin kala duwan iyo waliba Ajaanib shirka lagu casumay,kuwaas oo ka hadlay madasha shirweynaha Qurba joogta Puntland ee Qaarada Yurub.

Cabdifataax Janagale ayaa sheegay in Qurba joogta Yurub ay doonayaan inay samaystaan Dalad ay ku midaysanyihiin ,isla markaana ay kaga hadlayaan ayoohooda,wuxuuna shegay in shirweynaha lagu casumay aqoonyahano,siyaasiyiin,masuuliyin kala duwan iyo wariyaal caan ka ah somalia.

Shirkan ayuu sheegay in uu socon doono ilaa isniinta kadibna Warsaxafadeed laga soo saari doono shirweynaha Qurba joogta Puntland ee Finland ka furmay,kaas oo lagu dhisi dooni Dalad Guud oo Maamulaysa Jaaliyada Puntland ee Yurub.

Wakiilka Puntland ee Wadamada iskeendinifiyaanka Mr Baydhabo ayaa marti ku ahaa shirka,isagoo kasheegay madasha inuu ku faraxsanyahay In la mideeyo qurba joogta Puntland ee Qaarada Yurub.

Hoos kadhagayso Waraysiga Cabdifatax Janogale oo dhamaystiran

Facebook Comments