Animation

Dhagayso Waraysi: Gudoomiyaha Caabudwaaq: “Doorashada Xildhibaanada kama dhacayso Caabudwaaq, ee Cadaado baa la wada tagayaa”.

no responses
Sunday September 4, 2016 - 3:47 under Somali News by admin
mqdefault

Degmada Caabudwaaq ee Gobolka Galgaduud waxaa si aad ah looga dareemayaa udiyaar garoowga Doorashada la filayo dhawaan in ay ka dhacdo Deegaanada Somalida.

Musharxiin dhowr ah ayaa utaagan qabashada xilka Xildhibaanada somaliya ee matalaya Beelaha Dega Waqooyiga Galgaduud, waxaa kaloo jira Hadalo ku saabsan halka ay ka dhacayso Doorashadaasi, iyadoo qaar ka mid ah shacabka ay saluug ka qabaan in Cadaado ay ka dhacdo.

Hadaba arimahaasi oo idil waxaa Xafiiska Kismaayo24 ee Caabudwaaq uga waramay Gudoomiyaha Degmada Caabudwaaq ee Maamulka Galmudug Mahad Cumar, Waxaana uu uwaramay Cumar Laki Man.

Halkaan Hoose ka dhagayso Waraysiga:

Waraysi Gudoomiyaha Caabudwaaq Mahad Cumar By k24