Animation

Dhagayso-Wararkii Ugu danbeeyey Ee Magaalada Caabudwaaq Iyo Waan waan Laga Dhex Bilaabay Beelihii Shalay Dirirtu Ku Dhexmartay Magaalada

no responses
Friday November 4, 2016 - 5:59 under Somali News by cabudwaaq
mqdefault

Wararkii Ugu danbeeyey Ee Magaalada Caabuday waaq Iyo Waan waan Laga Dhex Bilaabay Beelihii Shalay Dirirtu Ku Dhexmartay Magaalada.

Qayb ka mid ah culima owdiinka Magaalada Caabudwaaq, Waxgarad iyo Odayaal iyo sidoo kale dhalinyaro ayaa u istaagay sidii ay ugu kala dab qaadi lahaayeen labadii beelood ee shalay diritu ku dhex martay Magaalada Caabudwaaq waxaana ay u tageen odayaasha labada dhinac islamarkaana ay kala hadleen in marka hore xabad joojin ay sameeyaan labada dhinac kadibna la kala qaado labada ciidan markaas kadibna laga wada hadlo wixii jira

Cabdi Xakiin Sanweyne oo ka mid ah culima-owdiinka Magaalada Caabudwaaq ayaa Kismaayo24 uga warbixiyey gudigan dhinacyada badan isugu jira ee u istaagay sidii ay u kala dhex gali lahaayeen labadan beelood ee shalay ku diriray Magaalada Caabudwaaq waxaana uu sheegay in si wanaagsan ay u soo dhaweeyeen odayaasha labada dhinac kana qaateen waan waanta ay wadaan waxaana uu sheegay in ay ku guulaysteen marka hore xabad joojin ay ku baaqeen taasi oo ay ka qaateen labada beelood.

Cabdi Xakiin Sanweyne ayaa sheegay in bari wixii ka bilowday ay bilaabayaan sidii ay u kala qaadi lahaayen Maleeshiyaadka oo wali jooga goobihii ay dagaaladu ka dhaceen shalay wixii intaas ka danbeeyana ay bilaabayan wada hadalsiinta labadan beelood iyo in ay dhameeyaan wixii ay kala tabanayaan

HOOS KA DHAGAYSO WARAYSIGA C/XAKIN SANWEYNE