Somali News

Dhagayso:-Wararkii udanbeeyay Magaalada Garoowe iyo weerarkii xalay ka dhacay

Magaalada Garoowe ee caasimada Puntland waxaa xalay israsaaseyn xoogan ay ka dhacday xarunta baarlamaanka Puntland iyadoona halkaas ay isku-rasaaseeyeen ciidamo kawada tirsan Puntland,waxaana israsaaseyntaas ku geeriyooday 2 ruux halka 4kalena ay ku dhaawacmeen.

Taliyaha ciidanka Booliiska Puntland Generaal Muxyadiin oo warbaahinta lahadlay ayaa sheegay in xarunta baarlamaanka ay la wareegeen ciidan maleeshiyaad ah isagoona gudoomiyaha baarlamaanka ku eedeeyay in ciidamadaas maleeshiyaadka ah uu maalmahaanba xarunta baarlamaanka kusoo gurayay.

Codka Taliyaha Booliska

Xaalada magaalada Garoowe ayaa saaka ah mid degan iyadoona xarunta baarlamaanka laga saaray ciidamadii horey ujoogay waxaana lagu wareejiyay cidamada madaxtooyada.

Related posts

Yaa bixiyay amarka lagu dhisayay dhulka Biyaaso Liibaro

admin

Dhagayso:- Beelaha Gobalka Hiraan oo Kulan xasaasi ah ku yeeshay baladweyne

admin

Daawo: Magaalada Kismaayo oo lagu qabtay Tartan aan weli lagu Qaban Guud ahaan Gayiga Soomaliya

Tifaftiraha K24