Animation

Dhagayso:- Ururka Map oo Cambareyeey Shaqajoojinta Wariye Jamac Dabarani

no responses
Thursday November 12, 2015 - 12:07 under Breaking News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Qoraal naga soo gaaray ururka suxufiyiinta Puntland ayaa lagu cambaareeyay qoraalkii uu wasiirka warfaafinta shaqada uga joojiyay maalin ka hor wariyaha Somalichannel Garowe, Jaamac Yuusuf Jaamac (Deperani), iyadoona qoraalkaasi aan lagu xusin sababta uu galabsaday wariyahaasi, hoos ka akhro war saxaafadeedka MAP.

Ururka Warbaahinta Puntland ee (MAP) waxa uu canbaareynayaa qoraalka ka soo baxey xafiiska wasiirka warfaafinta Puntland ee sumadiisu tahey Ref:W/W/I/H/DH/260/2015 kuna taariikheysan 10 Nov 2015 ee shaqada lagaga joojiyey Wariye Jamac Yuusuf Jaamac (Dabaraani), waxa uu qoraalkani si cad ugu hor imaanayaa sharuucda waddanka, sida ku cad qodobka 19aad ee Dasturka Puntland oo ka hadlaya Madax-Banaanida Qofka farqadiisa 1aad iyo 3aad, sidoo kalena qoraalka wasaaradda ka soo baxey waxa uu si cad u jabinayaa qodobka 22aad farqadiisa 1aad ee dastuurka Puntland oo dhigaya Xaqa Saxaafadda.

“Qoraalkan waxaan u aragnaa inuu yahay mid lagu caburinayo warfidiyeenka iyo warbaahinta. Isla markaasina aan waafaqsaneyn qawaaniinta wadanka.” Sidaa waxaa yiri Guddoomiyaha Ururka Warbaahinta Puntland ee (MAP) Faysal kahliif .
MAP waxay ugu baaqday Wasaarada warfaafinta Puntland inay itxiraamto madaxbaanida , xor uhadalka iyo qawaaniinta dalka “Waxaan ugu baaqeyna Wasiirka Warfaafinta Puntland inuu ixtiraamo madaxbanaanida weriyaha sidoo kalena uu la noqdo qoraalkan.” Ayuu yiri Bare.

Ugu danebyntii waxaan u aragna in uu Jaamac Dabaraani u shaqeeyo si hufan oo waafaqsan xeerarka saxaafada , waxaanuna wasaarada ka dalbaneyna hadii ay jiraan faldanbiyeedyo cad oo ay jaamac ku haysato inay u marto sida sharcigu yahay.