Animation

Dhagayso: Taliyihii Gobolka Sool ee Somalailand oo Shaqada laga Eryayay + Meleteri Badan oo ….

no responses
Monday September 5, 2016 - 9:50 under Breaking News by admin
mqdefault

Magaalada Laascaanood ee Gobolka Sool

Xaaladda magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool ayaa deggan caawa iyo illaa maantaba kadib markii galinkii hore ee shalay ay ka dhaceen rabashado sababay dhimashada labo askari oo bilays ah iyo dhaawaca dhawr qof oo kale oo ay ku jiraan askar bilays ah.

Ciidamo millatariga Somaliland ah ayaa la wareegay ammaanka guud ee magaalada, gacantana ku hayey illaa xalayto, taasoo timid kadib markii isku-dhacyadii shalay iyo rabashadihii dhacayba ay saameeyeen bilayska oo ahaa kuwii iyaga shacabku gacanta iskula tagay.

Dhinaca kale taliyihii qaybta bilayska gobolka Sool ee maamulka Somaliland Jaamac Aadan Iidle ayaa shaqadii laga fariisiyey maanta, shaqo ka joojintaas oo la xiriirta doorkii uu ku lahaa shaqaaqooyinkii shalay ka dhacay magaalada Laascaanood sida ay Kismaayo24 u xaqiijiyeen xildhibaanno ka mid ah golaha deegaanka ee degmada Laascaanood.

Xildhibaan Nuuradiin Cabdiraxmaan Ibraahim oo ka mid ah xildhibaannada golaha deegaanka ee degmada Laascaanood oo u warramay Kismaayo24, ayaa sheegay xaaladda magaalada caawa sida ay tahay iyo tallaabooyinka dawliga ah ee la qaaday shaqaaqooyinkii shalay kadib, taasoo ay ku jirto shaqo ka joojinta taliyihii qaybta.

Halkaan Hoose ka dhagayso Codka Xildhibaan Nuuradiin oo uwaramay K24: