Animation

Dhagayso Suldan Bayle:- Maamulka Galmudug iyo Gudiga Doorashada Waa in ay Raali galin Deg Deg ah ka bixiyaan Xadgudubka lo gaystay Ugaaska Beesha Sade hadi kale…

no responses
Friday October 28, 2016 - 12:51 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Iyadoo Maamulka Galmudug iyo Guddiga Doorashooyinka Maamulkaasi lagu Eedeyay in Meel ka dhac ay u geesteen Ugaaska Beesha Sade Ugaas Axmed Barre Cali Takooy ayaa waxaa Arintaasi ka Hadlay Suldaan Bayle.

Kismaay24 oo Wareysi Gaar ah la yeelatay Suldaan Bayle ayuu kaga Hadlay Arimo Dhowr ah oo Xasaais ah Ugu Horeyn Suldaanka Wuxuu ka Hadlay Xadgudub ay Maamulka Galmudug iyo Guddiga Doorashooyinka ay kula kaceen Ugaaska Beesha Sade Ugaas Taakooy.

” Maamlka Galmudug wuxuu Meelkadhac Xun oo aad looga yaq yaqsada kula kacay Ugaaska Beesha Sade Mana dhici doonto in aan aqbalno in meel looga dhaco Ugaaska waxaana Galmudug u sheegeyna in ay Meel soo saaran Xadgudubka ay kula kaceen Ugaas Taakooy si gaar ah waxaan Galmudug ka dooneynaa in Raali galin Cad ay ka bixiso Xadgudubka ay kula Kaceen Ugaaska.

Sidoo kale Suldaan Bayle wuxuu si gaar ah u dhaliilay Madaxweyne ku Xigeenka Galmudug Maxamad Xaashi Carabey Isagoona ku eedeyay in Xad gudubka ugu badan ee lagula kacay Ugaaska Beesha Sade uu isaga ka dambeeyay wuxuuna ugu baaqay in uu Raali galin ka bixiyo Meel ku dhacaas .

” Maxamad xaashi wuxuu ku yimid Awood qeybsi wuxuuna Galmudug ku matalayay Beesha Marka waxaan si Cad u sheegeynaa in Xaashi Carabey aan Kalsoonida kala Laabanay ”

” Maxamad Xaashi oo Power sharing kuyimid Dhismaha maamulka Galmudug ayaaba ilaahey wuxuu ka dhigay in uu Beegsado Hooygiisa iyo dadkii Isaga meesha keenay Marka Beesha Caalamka iyo Dhamaan Ummada waxaan u shegeynaa in kalsoonidii aan kala laabanay Madaxweyne ku xigeenka Galmudug Maxamad Xaashi Carabey”.

“Maamulka Galmudug Madaxda Hada Hogaamineysa Ma gudan karaan Howshii loo Igmaday Marka waxaan ku baaqeynaa in Ragaas meesha laga saaro” ayuu yiri Suldaan Bayle.

Dhinaca kale Suldaan Bayle ayaa Eedeyn u jeediyay Xildhibaanada Baarlamaanka Galmudug in aysan waxba ka qaban Dhibaatada ay Galmudug kula kaceyso Dadka wax galka ah iyo in aysan kala xisaabtamin madaxda maamulkaasi.

” Waxaan la hadlaya Xldhibaanada Galmudug Waxaana ku Eedeynaya in ay ka aamuseen Xadgudubka ay ku kacayan Maamulka Galmudug iyo Guddiga doorashooyinka oo Faragaln ku haaya Waxgaradka soo xulaya Xildhibaanada Marka waxaan ugu baaqaya Xildhibaanada Galmudug in ay Mooshin deg deg ah ka keenan Maxamad Xaashi Carabey oo Dhibaato ku haaya Jiritaanka Dowlada Galmudug ”

Guddiga ayuu ugu baaqay in ay Salaadiinta u Madax baneeyaan Soo Xulista Xldhibaanada Baarlamaanka .

Sido kale Suldaanka ayaa digniin iyo Baaq u diray Dadka ku Abtirsada Beesha Sade

” Qatar aad u Culus ayaa waxa ay ka jirtaa Beesha Sade Dhexdeeda Waxay qatar ku tahay Beesha Reer diini waxay halis ugu jirtaa in Xabad ay ka dhex dhalato Waxaana qatartaas abuuraya Maxamad Xaashi Carabey Marka waxaan ugu baaqaya in Dadka ku Abtirsada Beesha Sade in ay si deg deg ah usoo dhexgalaan oo Dadka ay kala Bad baadiyaan Waxaana si guud aan raali galin u siinaya Beesha Mareexaan gaar ahaan anigoo ah Suldaan Bayle Dhismaha aan soo dhisay waan ku qasaaray marka mareexan waan ka raali galinaaya Sacadaan wixii ka Dambeeyana waan kala laabanay Kalsoonida Ninka la yiraahdo Xaashi Carabey waxaan ugu baaqaya Baarlamaanka in ay Mooshin deg deg ah ka keenan””

Cabdi kariim Guulled makala Hadasheen Eedeymahaan aad u jeedineysaan Xaashi Carabey?

” C/kariim Xuseen Guulled in uu na qaabilo waa diiday  in uu naga gar qaato waana diiday marka haduu na diiday Waxba kama sheegi karno waay kala qolo ayaan nahay oo isku Reer manihin Marka waxaan ku qasbanahay in aan ka tashano oo aan ka gaabsano Iskaba daaye kii aan aniga soo dirsanay ayaaba ilaahey nagu saliday in uu na laayo oo Saakay Meydkii uu daadsanyahay Dabad balan bal iyo Caabdu-waaq agagaarkeeda oo Isaga uu hogaamnaayo marka Kii aan keenay oo saas ah Cid kalaba uma gudbi karno.

Beesha Caalamka iyo Dowlada Federaalka Maxaad ugu Baaqeysaan Suldaan Bayle?

” Beesha Caalamka waxaan ugu baaqeynaa oo Suuq madoow aan aheyn oo Dowlada Federaalka ugu baaqeynaa oo Guddiga Doorashooyinka Heer Federaal  ugu baaqeynaa in Cadaado la geeyo Guddi kor joogto ah si loogu madax banaaneyo Salaadiinta in ay usoo xulaan xildhibaanada waxaana beesha caalamka u sheegeyna in Galmudug ay Faragalinta ka daayso Soo xulista Xildhibaanada”.

Ugu Dambeyn Suldaan Beyle Sidee u aragtaa Dagaalka Galkacyo kusoo laab laabtay Adiga Suldaan Bayle ahaan Maxaad ka dhaheysa Colaada Galkacyo?

” Horay waan uga hadlay Hadana waan ka hadlaya waana igu joogto in aan ka hadlo Dagaalka Galkacyo ka socda Masuuliyadeedana waxaa qaadaayo Masuuliyiinta labadaas Maamul waa Cabdi kariim Guulled iyo Cabdi wali Gaas Sababtoo ah Deegaanka Galkacyo Niman u dhashay ma ahan oo kama naxayaan Dhibaatada dadka Galkacyo soo gaaraya Waxaan ugu baaqaya Culimaa’udiinka Ganacsatada Odayaasha Waxgaradka iyo Bulshadaba in ay si deg deg ah u diidan Colaada Galkaco ka socota ee Masuuliyiintooda ay Hurinayaan ”

Halkaan Hoose ka Dhageyso Wareysiga Suldaan Bayle oo Dhameystiran