Animation

Dhagayso-Suldaanka Beesha Sade Suldaan Cabdi Naasir Xasan Xirsi Shaarib”Waa in Wasiirada, Xildhibaanad Iyo Cidkasta Oo Galmudug Besha Sade Uga jirtaa Ay Deg Deg Uga Soo Baxaan Iyo Kuwa Jooga Cadaado.

no responses
Tuesday November 8, 2016 - 1:57 under Somali News by cabudwaaq
mqdefault

Suldaan C/naasir Xasan Xirsi (shaarib) ayaa ugu horayn baaq nabadeed u diray beelihii dhawaan ay dirirtu ku dhex martay Magaalada Caabudwaaq waxaana uu bulshada ugu baaqay in ay ka shaqeeyaan midnimada iyo wada jirka colaadana aysan faa’iido ugu jirin qof kastana uu ka shaqeeyo nabad galyada deegaan.
Suldaan C/naasir Xasan Xirsi (shaarib) oo ah Suldaanka Beelaha Sade islamarkaana ka mid ahaa Saxiixayaashii Maamulka Galmudug ayaa sheegay in ay haday yihiin dhaqankii Beesha Sade in ay Kalsoonidii kala laabteen Maamulka Galmudug kadib markii ay ka waayeen Saamigii ay ku lahaayeen Maamulkaas iyo in ay faro galin toos ah Maamulka Galmudug ku hayo Xildhibaanada Aqalka hoose ugu mid noqonaya Dowlada soo socota ee Federalka ah kuwaasi oo kasoo galay maamulka Galmudug.
Suldaanka ayaa sheegay in ay ku dulmanaayeen Aqalkii sare oo ay xaq u lahayeen 3 xubnood taasina ay Galmudug siisay beesha sade 1 xubin hadana ay fara galin ku hayso hab qaybsiga beelaha sade ee ay wax ku qaybsadaan taasi oo uu sheegay in ay Galmudug wado qorshe ay iyadu maamulayso islamarkaana aysan ku qanacsanayn beesha Sade.
wuxuu ugu baaqay Wasiirada, Xildhibaanada iyo dhamaan masuuliyiinta Galmudug uga jira Beesha Sade in ay si deg deg ah ugu soo baxaan magaalada Cadaado iyo dhamaan cid kasta oo ka mid ah beesha Sade.
ugu danbayntii Suldaan C/naasir Xasan Xirsi (shaarib) ayaa Beesha sade ugu baaqay in ay arinkaan ka tashadan islamarkaana talo midaysan isugu yimaadan Maadaama lagu tuntay Xaquuqdii ay lahaayeen .
Cabashooyinka beelaha Qaar ayaa soo baxaya tan iyo wixii ka danbeeyey doorashada aqalka sare ee maamulka Galmudug waxaana Beesha Sade maalmihii u danbeeyey ay Saxaafada ka sheegayeen in ay kalsoonidii Kala laabteen Maamul Goboleedka Galmudug.
HOOS KA DHAGAYSO WARAYSIGA SULDAN C/NASIR-SHAARIB