Dhagayso; Siyaasi Arbow oo dhulka la jaray Axmed Madoobe Baaqna u diray Shacabka Jubaland.

0

Axmed Ismaiil Maxamud Arbow waa siyaasi ka so jeedo Jubalnd horeyna uga soo howl galay Idaacadaha maxaliga ah ee ka jiro Dalka, Arbow waxaa uu dhulka ku jiiday Golaha Xildhibaanada Jubalnd  oo uu ku tilmaamay in ay yihiin Ari u Xareysan Axmed Madoobe Neefka uu rabana birta saaro ama ariga kale ka dhex bixiyo, waana mida keentay in Golahaasi ka aamuso dhibaatada joogtada ah ee uu Axmed madoobe ku hayo shacabka kismaayo, Ciidamo si buuxda u tageersan Axmed Madoobe islamarkaana lahayb ah ayaa Kismaayo ka Geysto Xasuuq Wadareed ka dhan ah Biniaadanimada taasoo isugu jirto Dhac, Dil,Kufsi, Xarig,iyo Masaafurin, Waana wax Caadi ka noqday dhibaatadasi Nolosha Kismaayo.

 

Arbow oo hadalkiisa sii wato ayaa ku tilmaamay axmed Madoobe in uu yahay Shaqsi aan doonayn Hormarka iyo wax wada qaybsiga umada Jubalnd Ismarkaana aan qibrad iyo aqoon toona u lahayn hagista umada jubalnd,waxana uu arbow dadka deegaanka Jubaland ugu baaqay in ay halmeel uga soo wada jeestaan gacan bir ahna kala hor tagaan dhibaatada Axmed Madoobe ee Kismaayo, Arbow ayaa dhanka kale soo hadal qaaday  dhibaatada Qaaska ah ee uu dadka Kismayo ku hayo Qaalid Shiekh Abdulahi Oo ka ogdhaw Jifada Axmed Madoobe islamarkaana ah nin uu si dhow u aamin sanyahay Axmed Madoobe kaas oo aan u dhalan Deegaanada Jubalnd Dad badana ay gacantiisa ku baxeen, kaas oo gaystay Dilal qorshaysan oo isugu jiray Shacab iyo Masuliiyiin ka tirsana Golaha barlamanka Jubalnd oo ka dhacay Kismayo, Arbow ayaa shaca ka qaaday in uu kaalin wayn ka gaysto Qaalid Kufsiga Ba’an ee loo gaysto Gabdhaha reer Kismayo Islamarkaana ah ninka qaabilsan Tarxiilka iyo Takoorida Dadka Degaanka,

Deegaanada Jubalnd waxaa si rasmi ah uga bilawday kacdoon ka dhan ah shacab Siyaasiin iyo wax garadka ka soo jeedo deeganadaasi taasoo looga soo horjeedo Mamulka Fadhidka ah ee Kismayo Xasuuqa ka geysto ee Axmed Madoobe, iyadoo dad badan oo Aqoon yahanin u dhalatay Degaanadaasi ay ku howlan yihiin in ay gudbiyaan Dacwo ka dhan ah Mmaulka Axmed Madoobe aan lixda sano dhex fadhiyo kismaayo,

 

hoos ka dhagayso Codka siyaasiga Jubalnd