Dhagayso:- Shaqaalihii iyo Qalabkii Hawadda Soomaaliya ee yaalay Kenya oo Muqdisho la keenay

0

Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo duulista Hawadda Soomaaliya ayaa warbaahinta u sheegay in maanta lagu guuleystay in Magaalada Muqdisho la keeno Shaqaalihii ka howlgali jiray xarunta laga maamulo Hawadda Soomaaliya ee Magaalada Noirobi.

Wasiirka waxaa uu sheegay in ay tahay guul weyn oo ay dowladda Soomaaliya gaartay, islamarkaana wixii maanta ka dambeeya Magaalada Muqdisho ay ka shaqeyn doonaan.

Maxamed Cabdullaahi Salaad Omaar ayaa sidoo kale tilmaamay in inta badan qalabkii yaallay Kenya la keenay Muqdisho.

Muddo ka badan 20 Sano ayay ka shaqeynaayeen xarunta Nairobi ee laga maamulo Hawadda Soomaaliya.

Tilaabadda lagu soo wareejiyay shaqaalaha ayaa horseedikarta in dhammaan Hawadda Soomaaliya laga maamulo Muqdisho.

Dowladda Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday Dhamaadkii 2017-ka in lasoo wareejiyay hawadda Soomaaliya oo wixii ka dambeeyay burburka Soomaaliya ay gacanta ku haayeen Hay’addo iyo dowlado Shisheeye.

Halkaan, ka dhagayso: