Animation

Dhagayso: Salva Kiir oo Qasab ku ogolaaday in Dalkiisa la geeyo Ciidamo Shisheeye + Cadaadiskii Jiray.

no responses
Monday September 5, 2016 - 10:18 under Somali News by admin
mqdefault

Madaxweyaha Suudaanta Koonfureed ayaa aqbalay in ciidamo shisheeye oo dheeraad ah la geeyo dalkiisa kaddib booqasho ay dalkaasi ku tageen xubno ka socda golaha ammaanka ee Qaramada Midoobey.

Salva Kiir ayaa horey ugu gacan sayray ciidamadaasi, waxa uuna sheegayay in arrintaasi ay lid ku tahay madax bannaanida dalkiisa.

Muddo todobaadya ah ayay dowladdiisa cadaadis iyo goodis ah in lagu soo rogayo cunaqabatayn kala kulmeysay beesha caalamka, kaddib markii ay diidday inay aqbasho ciidammadan ka socda waddamada gobolka.

Halkaan Hoose ka dhagayso Warbixin Arintaasi Qeexaysa: