Somali News Top News Xulashada K24

Dhagayso:-R/Wasaare Kheyre oo Sheegay In Tirakoob lagu samayo Ciidamada X.Dalka

Ra’iisul Wasaare Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa sheegay in xukuumadda Soomaaliya ay dadaal dheer ku bixisay sidii loo ogaan lahaa tiradda Ciidamada xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Waxaa uu sheegay in baaritaano badan oo ay sameeyeen in ay soo ogaadeen in ay jiraan Ciidamo badan oo ku jira Liiska Ciidamada oo aan shaqeyn hadana Mushaarqaata iyo sidoo kale ciidamo waa hore dhintay oo ku jira Liiska Ciidamada, islamarkaana ay dad ku qaataan lacag.

Mudane Kheyre ayaa sidoo kale tilmaamay in ay bilaabeen in ciidamada loo diwaan geliyo si casri ah.

Wasaaradda Difaaca Soomaaliya ayaa bilihii lasoo dhaafay waday dadaallo lagu ogaanaayo tiradda iyo tayadda Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed.

Halkaan,Kadhagayso:

 

Related posts

Alshabaab oo dagaal kula wareegtay Saldhigyo ku yaala Magaalada Muqdisho

admin

Dhagayso:- Isimada Dhulbahaante oo ugu Baaqay Wasiir Xaglatoosiye in uu isaga Baxo Buhoodle

admin

Dagmada dhuusa-mareeb oo markii ugu horeysay laga taagay calanka dowlad goboleed-ka Galmudug

admin