Animation

Dhagayso:- Raali gelin laga bixiyay Dhacdadii rasaaseynta aheyd ee dhowaan ka dhacday Dhul dowli ah oo ku yaala Gaalkacyo

no responses
Monday November 16, 2015 - 12:07 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Wax garadka iyo odayaasha ay ka soojeedaan  maleeshiyaad dhowaan weerar dhiig ku daatay ka geystay xero dowladu leedahay oo ku taala magaalada Gaalkacyo xarunta gobolka Mudug.

Odayaasha iyo wax garadka ayaa sheegay in ay si aad ah uga xun yihiin raali gelin Balaaranna ka bixinayaan dhibta ay geysteen ciyaal aan caqliga u dhameen sida ay yiraahdeen iyagoo raali gelinta si gaar ah ugu diray dowladda Puntland iyo shacaka Magaalada Gaalkacyo.

Waxa kale oo ay sheegeen Odayaashu in dhalinyaradaas oo dhamaa 8 ay ku ogaayeen xero ku taala cagaaran islamarkaana aysan la soconin xiligii ay ka soo bexeen oo weerarka geysteen, haatanna ay qaarkood gacanta ku hayaan qaarna ay raadinayaan.

Odayaasha ayaa ku cel celiyay dhibaatada dhacday iyagoo ballan qaaday in aysan cafin doonin dhalinyaradaas ayna si deg deg ah maxkamad u soo taagi doonaan .

Dhinacooda waxa ay iska fogeeyeen in ay arrintaas ka raali aheyn oo aanay kula socon odayaal ama qabiilba ayna aheyd mid dhalinyaradaas u gaar aheyd oo ay ku geysteen si iskooda ah.

Gaba gabadii Maalin ka hor ayay aheyd markii Maleeshiyaadkan oo ku hubeysnaa gaadiidka dagaal oo 2 ah ayaa waxa ay rasaas kala hor yimaadeen ciidamadda amaanka dowladad Puntland oo xiligaas ku sugnaa geerish ka mid ahaa hantidii dowladda ee la soo wareejiyay.