Somali News Top News

Dhagayso:- Odayaasha ,Dhalinyarada & Aqoonyahanada kunool Minisoota Maraykanka oo ka hadlay Heshiiskii Gaalkcyo,M/Xasan sheekhna eedeyeey

​​Kadib shir jaraa”id oo khadka Taleefanka oo ay qabteen odayaasha iyo waxgaradka,dhalinyarad,kunool dalka Maraykanka Gaar ahaa Minesota ayaa waxaa ay uga hadleen Heshiiskii gaalkcyo iyo dagaaladii kasii horeyey ee kadhacay Magaaladas.

Waxgaradkan iyo dhalinyarada iyo Aqoonyahanad ayaa kasoo jeeda magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobalka Mudug,waxaana ay ka hadleen qodobadii ay kala saxiixdeen C/weli gaas iyo C/kariin Guleed.

Waxay shegeen in Qodoba goobta laga akhriyeey,ama lakala saxiixday aysan waxba soo kordhinayn isla markaana shacab la barakiciyeey oo aysan jirin meelay kusoo laabtan maadama an heshiis muuqada la garin.

dhinaca kale waxay ku taliyeen in Magaladas oo labo Calan ka ruxmanayaan an lagu joogin karin Wax Nabad ah,in la isugu yimaado Calanka Qaranka ma ahee,.

Waxaa kale oo shegen in Ay lasocdaan Beesha Caalamka inay cadaadisay Madaxweyne C/weli gaas,balse waxay shegeen inaysan waxba kasoo baxayn ,iyagoo shegay in Maamulku horfaristay Gaas uu yahay mid Xaaran ah.

Madaxweynaha Dowladda Faderaalka somalia Xasan sheekh ayeey ku eedeyeen in uu kadambeyo waxa kasocda gaalkcyo,iyo waliba bilowga dagaalkii dhawaan kadhacay Gaalkcyo.

Waxay tilmaamen in magaaladu Nabad noqonayso markii uu Xasan sheekh Qirto Dambigiisa,isla markaana uu xaliyo wax walba oo jira,isla markaana uu daayo waxyabaha abuuraya dagaalka uu wado.​

Related posts

Imaaraadka Oo Doonaya inuu Soomaaliya ka Caawiyo Arrimaha Bani’aadanimada

Ahmed sudani

Falanqeyn: 57-guuradii ka soo wareegatay aas aaska ciidamada xoogga dalka oo maanta loo dabaal dagaayo

Tifaftiraha K24

Daawo: Madaxweyne axmad madoobe oo madaxtooyada kismaayo ku qaabilay Prof: Cabdi Ismaaciil Samatar

Tifaftiraha K24