Animation

Dhagayso: Odayaasha Beesha Sade oo Go’aan kasoo saaray Halka lagu dooranayo Xildhibaanada Beesha umatalaya Dowladda Soo Socota ee Somalia.

no responses
Tuesday September 6, 2016 - 9:30 under Somali News by admin
mqdefault

odayaasha-dhaqanka

Xilli Muddooyinkii ugu Dambeeyay Guud ahaan Deegaanada Waqooyiga Gobolka Galgaduud laga hadal hayay Arimaha Doorashada Xildhibaanada Matalaya Beelaha Dega Deegaanadaasi, iyo Halka ay ka dhacayso Doorashadaasi ayaa Waxaa Maanta si rasmi Go’aan arintaasi kaga soo saaray Odayaasha Dhaqanka ee Hormuudka u ah Shacabka ku Nool Waqooyiga Gobolka.

Kulan Muddo Dhowr Maalmood ah usocday Waxgaradka ay ka Go’do Talada Shacabka Beesha Sade ayaa waxaa Maanta lagu soo gabagabeeyay Gudaha Degmada Caabudwaaq, Waxaana Kulankaasi laga soo saaray Go’aanadii ay ka qaateen Arimaha Doorashada Xildhibaanada Beesha umatalaya Dowladda Soo Socoto ee Somalia.

Kulanka oo ay ka qayb galayn Qaybaha Kala duwan ee Dhaqanka Beesha Sade, waxgarad, Isimo, Cuqaal, iyo Aqoonyahano, ayaa waxaa shir Gudoominayay Ugaaska Beelaha Dega Waqooyiga Galgaduud Ugaas Axmed Barre Cali “Taakooy”.

Halkaan Hoose ka dhagayso Warbixin + Cododka Odayaasha Beesha Sade ee kulanka ka hadlay:

_____________________________________________________________________

Wariye Cumar Siciid Cabdi Raxmaan “Laki Man”

Xafiiska Wararka Kismaayo24 ee Magaalada Caabudwaaq.

E-Mail: Cumarlaki@Gmail.com


Caabudwaaq-Galgaduud-Somalia