Animation

Dhagayso: Muranka udhaxeeya Iiran iyo Sucuudiga oo meel Qaraar Gaaray + Xajka Sanadkan.

no responses
Monday September 5, 2016 - 10:07 under Arimaha Bulshada by admin
mqdefault

Wadaadka Ugu Sareeya Dalka Iiraan Ayatollah Ali Khamenei ayaa Weerar Xoogan oo dhanka Afka ah ku qaaday Dowladda Boqortooyada Sacuudi Carabiya.

War qoraal ah oo uu soo saaray ayuu ku sheegay in Dunida Muslimku ay u baahantahay in ay ka fiirsadaan sida loo maamulo xajka.

Sanadkii hore waxaa Xaramka ku geeriyooday dad badan oo soo xajinayay kuwaas oo ay ka mid ahaayeen boqolaal Iiraaniyiin ah.

Xujayda reer Iiraan ayaan sanadkan soo gudan doonin acmaasha Xajka kaddib markii ay dhicisoobeen wadahallo u socday labada dal oo isku khilaafsan rabshadaha ka taagan Bariga Dhexe.

Halkaan ka dhagayso: