Breaking News Somali News Top News

Dhagayso: Madaxweyne Farmaajo oo ka baxay mid kamid ah Balantii uu Shacabka usameeyay

Waxaa shalay la dareemay isbedel ku yimid mid ka mida balanqaadyadii madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo.

Shalay gelintii danbe ayaa madaxweynaha loo xiray Garoonka diyaaradaha ilaa madaxtooyada xilli uu dib ugu soo laabtay dalka, isagoo socdaal ku tegay dalka Imaaraadka.

RIIX HALAN: DHAGAYSO BALANTII FARMAAJO

Arrin ayaa noqotay tii ugu horeysay ee loo diiwaan geliyo madaxweyne Farmaajo intii uu la wareegay madaxtooyada, waxaana uu dhowaan madaxweyaha waxqabadkiisa ku daray inaan jidadka Muqdisho loo xirin, dhaqdhaqaaqna uu sameeyo.

Tallaabada jidka loogu xiray madaxweynaha ayaan la ogeyn inay tahay mid waqti kooban ah iyo inay sii socon doonto, laakiin waxaa la ogyahay in xaaladda ammaanka caasimadda  hoos u dhac weyn ku yimid.

Dhinaca kale waxaa maanta xiran inta badan wadooyinka magaalada iyadoo maanta la xusayo sanad guurada 57-aad ee asaaskii ciidanka xoogga dalka.

 

Related posts

Howlgalo ka socda Magaalada Jowhar ee Caasimada Maamulka Hirshabelle.

admin

Akhriso: Taariikhda shiikh mukhtaar roobow abuu mansuur oo mareykanka uu liiska argagaxisada ka saaray

Tifaftiraha K24

Dowladda Itoobiya iyo Jabhadda ONLF oo Wada hadal Rasmi ah uga Furmay Magaalada Nairobi

admin