Animation

Dhagayso:- Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe oo Nairobi Kula kulmay Madxda IOM

no responses
Wednesday November 18, 2015 - 11:54 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madooe ayaa Madaxtooyada Kismaayo shalay ku qaabilay wafti ka socday Ha’yadda socdaalka adduunka ee IOM.

Kulanka oo warbaahintu banaanka ka joogtay ayey mudo saacad ah kuwada qaateen madaxtooyada,arimo lagu sheegay sidii IOM ay jubbaland uga caawin lahayd arimaha qaxootiqa,islamarkaana Xafiis uga furan lahayd Kismaayo ayey ka wada hadleen.

Wasiirka arimaha gudaha iyo amniga Jubbaland Gen. Maxamed Warsame Darwiish iyo u qaybsanaha arrimaha Soomaaliya ee Hay’adda IOM Gerard Waite ayaa warbaahinta si wadajir ah ula hadlay markuu soo dhamaaday shirku.

Darwiish ayaa tilmaamay in shirkan uu dabo socday shir wafti uu madaxweyne Madoobe hogaaminayey iyo IOM ku yeesheen Nairobi,islamarkaana arimaha laga wada hadlay ay kamid ahaayeen Xafiis inay IOM ka furato Kismaayo,qaxootiga inay ka caawiso Jubbaland iyo arimo badan oo bilaami doona markay Ha’yaddu furato Xafiiskeeda Kismaayo.

Uqaybsanaha arrimaha Soomaaliya ee Hay’adda IOM Gerard Waite ayaa dhankiisa sheegay in IOM bilaabi doonto wada shaqayn ay la yeeshaan Jubbaland,islamarkaana arimaha ay kawada hadleen Madaxweynaha isla afgarteen,dhawaana sitoosa uga howlgali doonaan Kismaayo.