Animation

Dhagayso:- Madaxda Puntland iyo Jubba oo Gaaray Gaalkacyo iyo Soo Dhaweyn loo sameyeey

no responses
Monday November 30, 2015 - 11:14 under Somali News by admin
mqdefault

Madaxweyne yaasha Dowladaha Puntland iyo Jubbaland ayaa goor dhow gaaray magaalada Gaalkacyo xarunta gobolka Mudug, halkaas oo siweyn oo diiran loogu soo dhaweeyay.

Soo dhaweyn ka dib madaxweyne yaasha iyo wafdigiyo ka kala tirsan labada xukuumadood waxaa la gaarsiiyay guriga islaan bashiir ee magaalada Gaalkacyo halkaas oo ay ku sugnaan doonaan .

Inta aysan soo gaarin magaalada Gaalkacyo waxa ay madaxweyna yaasha kala hadleen dadweynaha degmada Xarfo iyagoo sheegay in ujeedka ay u socdaan ay tahay sidii ay xal uga keni lahaayeen shaqaaqadihii Gaalkacyo ka dhacay .

Waxa uu u mahadceliyay madaxweynaha Dowladda Puntland C.wali Maxamed Cali gaas madaxda Dowladaha Federaalka ee u yimid Gaalkacyo sidii ay uga qeyb qaadan lahaayeen nabadna ugu soo dhameyn lahaayeen xalka xiisadii gaalkacyo ka dhacday.

Wixii kusoo kordha kalasoco