Animation

Dhagayso: Maamulka G.Hiiraan “Puntland ha joojiso Daandaansiga, hana nagu soo wareejiso Gaadiidkeena”.

no responses
Monday September 5, 2016 - 9:47 under Breaking News by admin
mqdefault

Gaadiid Xaniban

Maamulka Gobolka Hiiraan iyo kan Magaalada Baladweyne ee xarunta Gobolka ayaa Maamulka Puntland ku eedeeyay in ay heysato gaadiid Xamuul ah oo laga leeyahay dhanka Hiiraan.

Duqa Baladweyne, Cumar Aadan Deeqow iyo Xoghayaha Gobolka Hiiraan, Salaad Xasan Cabdi oo shir jaraa’id ku qabtay Baladweyne ayaa sheegay in Puntland ay heysato Gaadiidka laga leeyahay Hiiraan ee 32 Gaari ah.

Waxaa ay sheegeen in puntland kaliya ay xaq u leedahay in ay reebato Ruqsadda uu Gaariga uga shaqeynayo dhankeeda laakiin aysan xaq u lahayn in Buugga iyo Taargada Gaariga ay kala haraan,taas oo ay ku tilmaameen dhac loo geysanayo Gaadiidkooda.

Sidoo Kale Masuuliyiintaan waxay ku goodiyeen in ay qaadi doonaan Talaabo adag hadii aysan Puntland ka laabban Go’aanka ay qaadatay.

Halkaan ka dhagayso Warbixin+Cododka Masuuliyiinta: