Somali News

Dhagayso:-Jupaland oo Ka hadashay Shirkii Golaha Amniga Ee Kismaayo

Maamulka Jubbaland ayaa wuxuu faah faahin ka bixiyay kulankii ugu horeeyay ee Golaha amniga heer Dowlad Goboleed oo shalay uu Magaalada Kismaayo ku shir guddoomiyay Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Madoobe), kaas oo ka farcamay Golaha Amniga Qaranka.

Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada Maamulka Jubbaland Axmed C/raxmaan Xasan ayaa sheegay shirkan inuu yahay midkii ugu horeeyay, Jubbaland ay noqotay maamulkii koowaad ee shirkan qabta.

Wuxuu sheegay Axmed C/raxmaan Xasan shirkan in si gaar ah diirada loogu saaray Arrimaha Amniga, Qorshaha Dowliga, Dhaqaalaha, Nidaamka Dowlad Wanaaga, Arrimaha Garsoorka iyo Arrimaha Bulshada.

Shirka Amniga Qaranka oo dhawaan ka dhacaya Magaalada Muqdisho ayay Jubbaland waxay la imaan doontaa qorshe dhamaystiran oo la xiriira sida ay noqonayaan hawlgalada lagu xoraynayo deganada ay Al-Shabaab wali kaga sugan yihiin Jubbaland.

Halkaan,Kadhagayso:

Related posts

Caruur iyo dad waawayn oo ugeeriyooday Haraadka wali ka jira Galgaduud.

admin

Dhageyso: Taliyaha booliska puntland oo afka furtay weerar culusna ku qaaday dad uu ku sheegay in ay…..

Tifaftiraha K24

Mareynkanka oo Taba baro siineyso Saraakiisha Booliska Soomaaliyeed.

admin