Warning: count(): Parameter must be an array or an object that implements Countable in /customers/8/7/9/kismaayo24.com/httpd.www/wp-includes/post-template.php on line 284
Somali News

Dhagayso:- Hay”ada Nabadsugiddaa oo War Culus soo saartay

Taliyaha Ciidamada Nabad sugidda iyo Sirdoonka Qaranka, C/raxmaan Maxamed Tuur Yare ayaa sheegay in dalka uu ku jiro xaalad kala guur oo ku saleysan siyaasad,islamarkaana suurtgal ay tahay in marxalada lagu jiro ay keeni karto falal amaandari.

Wuxuu sheegay taliye Tuur yare in markaan oo kale ay ka faa’ideysan karaan kooxo badan oo xume doonaya,wuxuuna hadalkiisa intaasi raaciyay in kaliya aysan ahayn Shabaab cadowga,balse ay jiri karaan kooxo kale oo siyaabooyin kala duwan ku abuuri kara falal amaandari.

Si looga gaashaanto arimahan oo idil ayuu Taliyaha Hay’ada Nabad sugida iyo sirdoonka Qaranka wuxuu ku booriyay talisyada ciidamada iney is tirakoobaan si loo fogaado kooxaha kale ee iyagu ku qaraabanaya magaca ciidamada Qaranka Soomaaliya,sida uu hadalka u dhigay.

Ciidamada Nabad sugida iyo Sirdoonka Qaranka,ayaa maalmo ka hor soo qabtay kooxo dhac nuuc cusub la yimid oo magaca ciidamada ardayda kaga qaadanaya sheyada gacan qaadka sida Labtop-yada iyo Mobila-da.

Dhamaadka sanadkaan 2016-ka ayaa lagu wadaa in dalka ay ka dhacdo isbedel doorasho,maadaama waqtiga rasmi ee Dowladda Xasan ay Sheikh ay ku egtahay.

Related posts

Dhagayso:- Top News Maxkamada Ciidamada Qalabka sida oo Baaraysa Dagaalkii Baladweyne Sabab?

Tifaftiraha K24

Top News: Gudoomiyaha Shabeelaha Hoose Siidii " Al-shabaab anoo nool ayeey i qaban gareen".

admin

Muuqaal: Daawo Maxaadan Ogeyn oo ka cusub Magaala Xeebedka Kismaayo???

admin