Animation

Dhagayso:- Haweenka PL” Waxaan ku Baaqaynaa in la Joojiyo Daaalka Gaalkacyo”

no responses
Sunday November 29, 2015 - 1:01 under Somali News by admin
mqdefault

Gudoomiyaha ururka Haweenka Puntland Khardo Warsame Jaamac ayaa ku baaqday in la joojiyo dagaalka iyo xiisada ka aloosan magalada Gaalkacyo, taasoo sababtay inay ka barakacayaal boqalaal qoys oo kala degan Koonfurta iyo Waqooyiga magalada Garowe.

Khadro oo Garowe warbaahinta kula hadashay ayaa sheegtay colaad inaysan wax faa’iido ah u lahayn labada dhinac sidaasi darteedna ay doonayaan in dagaalka la joojiyo oo nabada loo heeliyo.

”Waxaan shacabka Soomaaliyeed ugu baaqayaa inaan nabadda raadino, walaalahayaga dariska ah waxaan ka codsanayaa waxyaabaha ay ku jiraan inay iska daayaan, reer Gal-Mudugoow waxa weeye waddadaasi anfac badan bay idin lahaan lahayd, idinkaa ku socon lahaa, marka waxaan lee nahay ka tanaasula dagaalada aad dabada ka wadaan, walaalo ayaan nahay isku dhaqan baan nahay isku diin baan nahay, baaq nabadeed ayaan wadnaa” Khadro ayaa sidaa tiri.

Dhanka kale Culimo ka kala yimi Somaliland,Bosaso iyo Muqdisho ayaa Garowe isigu yimi waxayna ku baaqeen in la joojiyo dagaalka Gaalkacyo kaasoo sababey dhimasho iyo dhaawac labada dhinac ah.