Warning: count(): Parameter must be an array or an object that implements Countable in /customers/8/7/9/kismaayo24.com/httpd.www/wp-includes/post-template.php on line 284
Somali News Top News

Dhagayso:- Gudoomiyaha Maxkamadda Sarre DFS oo difaacay go’aankii Cumar Faaruuq ugu aqoonsadeen Xoghayaha Guud ee NUSOJ

Gudoomiyaha Maxkamadda sare ee dawladda Soomaaliya Abukaate Caydiid Cabdulaahi Ilka Xanaf ayaa difaacay go’aankiisii ahaa in Xoghayaha guud ee Saxaafada Soomaaliya uu yahay Cumar Faaruuq, wuxuuna cadeeyey in aan waxba ka jirin war ka soo yeeray Xeer Ilaaliyaha dawladda Soomaaliya shalay.

Ilka Xanaf ayaa cadeeyey in ay Maxkamadda sarre ee dalka ay dabagal dheer ku sameysay arrimaha NUSOJ ka dhex jira, ayna meelo badan ka eegeen, ayna raaceen sifo sharci ah, isagoo beeniyey in ay si gaar ah garab ugu noqdeen labada dhinac ee isku hayay Hogaanka NUSOJ.

Gudoomiyaha ayaa ugu baaqay Saxaafadu in ay raacaan go’aanka Cumar Faaruuq, loona baahan yahay in la dhawro Nidaamka iyo kala dambeynta, wax kastana ay yihiin sidaas maadaama la gaaray waqtigii laysku tashan lahaa.

Mr, Ilka Xanaf ayaa intaasi ku daray in ay lama huraan tahay in qeyb weyn laga qaato in Cadaaladdu shaqeyso, lagana hor yimaado wax kasta oo dibu dhac u keenaya Saxaafada Soomaaliya.

Related posts

Top News: Kalfidha Baarlamaanka Soomaaliya oo Maanta ka furmaya Magaalada Muqdisho.

admin

Akhriso: Waa kuma Guddoomiyaha Cusub ee Golaha Shacabka Mursal Shiikh? ( Taariikh Kooban )

admin

SAWIRRO:- Hogaanka Beesha Habar Gidir oo Gaalkacyo Kula kulmay Odayaasha Dhaqanka.

admin